Daawo Sawirada:- Nin Looga Shakiyay In Uu Ka Tirsan ASIS oo Congo Lagu Gubay Isla Markaana Hilibkiisa La Cunay!

Daawo Sawirada:- Nin Looga Shakiyay In Uu Ka Tirsan ASIS oo Congo Lagu Gubay Isla Markaana Hilibkiisa La Cunay!

daajis.com:- Dad aan tiro yareyn ayaa tuulo ku taala waqooyi bari dalka Koongo ayaa gaari nooca dadwaynaha kala dagay ruux ay uga shakiyeen inuu ka tirsanyahay ururka Daacish kadibna inta dhagax ku dileen oo ay gubeen ayay haddana la cunay hilbihiisa.

Goob joogayaal ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail ee Ingiriiska kasoo baxa inay arkeen dadka oo ku xoomaya  wiil qiyaastii dhawr iyo labaatan jir ah oo dhagax ku dilaya kadibna hilbihiisa cunaya markii ay gubeen kadib waxaana falkaani uu ka dhacay tuulo la yiraahdo Beni oo ku taala waqooyi bari dalka Koongada Dimoqraadiga ah oo ah magaalo ay qeyb ahaan degaan dad Muslimiin ah.

Qof sheegay inuu arkayay sida ay wax u dhaceen ayaa yiri. “Gaas ayaa lagu shubay korkiisa markii dhagax lagu dilay kadibna waa la cunay hilbihiisa anigoo arkaya taasoo naxdin igu beertay waxaana uu ruuxaan intaa ku daray in ninkaan laga shakiyay kadib markii uu ku hadli waayay luuqada kswaxiliga oo degaankaasi looga hadlo.


Dadka magaalada badankood ayaa daawanayay sida ay wax u dhaceen qaarkoodna waxayba ku qaylinayeen inay dilayaan cid kasta oo ay u arkaan inay Daacish ka tirsan yihiin.

Ururka Daacish ayaa ka dagaalama wadamada Syria iyo Ciraaq dalka Kongana waxaa uu ku yaala qaaradda Africa.

Xigasho- Daily Mail.

W/Tarjumay Burhan Dini Farah 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada