Daawo:- Dumarka taageersan R/W C/weli oo bilaabay arrin dadka ka yaabisay

Daawo:- Dumarka taageersan R/W C/weli oo bilaabay arrin dadka ka yaabisay

daajis.com:- Waxaa maalmahaani gudaha dalka iyo dibadiisa lagu arkayaa Rag iyo dumar farabadan oo muujinaaya Taageerida R/W C/weli Sheekh Axmed kuwaasi oo gabi ahaan iska xiira Timaha.

Ragaani iyo dumarkaani ayaa waxa ay iska xiireen Timaha waxa ayna shaaciyeen inaysan deyn doonin Tintooda ilaa Madaxweyne Xassan looga itaal roonado Mooshinada, sida ay hadalka u dhigeen

Dadka tinta xiirtay sida R/W C/weli ayaa waxaa u badan Dumarka kuwaasi oo aaminsan Siyaasadaha Ra’isulwasaare C/weli ee xiligaani ka socda gudaha iyo gobolada ku xeen-daaban.

Arrintaani ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii uu sii laba jibaarmay Khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha dalka, iyadoona taasi ay soo dedejisay in Xildhibaanada iyo dadka shacabka ah ay kala jabaan islamarkaana ay kala taageeran Labada Mas’uul.

Inta badan dadka shacabka ah ayaa waxa ay ka dhowr sugayaan Natiijooyinka kasoo bixi doona Mooshinada la horgeynaayo Baarlamaanka iyadoona goobaha lagu caweeyo si aad ah looga hadal haayo Khilaafka iyo Biyo dhiciisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada