Video:- Gaarigii lagu dilay Saado Cali iyo Xildhibaan Xeyd oo la qabtay.

Video:- Gaarigii lagu dilay Saado Cali iyo Xildhibaan Xeyd oo la qabtay.

daajis.com:- Ciidamada Nabad sugida qaranka ayaa xalay howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa, hub, iyo rag watay gaadiid ay sheegeen in lagu dilay xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.

Afhayeenka wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay soo qabteen ruux waxyaabaha qarxa iyo gadiidka u heyn jiray ururka Alshabaab ee dilalka ka geysan jiray magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wuxuu sheegay in ciidamada ay u suurto gashay inay helaan xogtaasi kadib markii ay shacabka taageero ka heleen ayna la wareegeen guriga hubkaasi yaalay, gaari lagu dilay xildhibaano baarlamaanka ka tirsan iyo saraakiil kale.

Halka Hoose ka daawo muuqaalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada