Video: Itoobiya oo la wareegeyso ilaha dhaqaale ee Somaliland

Video: Itoobiya oo la wareegeyso ilaha dhaqaale ee Somaliland

daajis.com:- Waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland 12-kii bishan kasoo degay Wafdi Wasiiro Itoobiyaan ah oo dhowr Wasaaradood ka socda, kuwaasi oo kormeer ku bixiyay ilaha dhaqaale ee maamulka Somaliland, gaar ahaan garoonka diyaaraddaha Berbera, xarunta haamaha shidaalka iyo weliba dekadda weyn ee Berbera.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha Sufian Ahmed, waxaana ka mid ahaa Wasiirka gadiidka gacsiga, warshadaha, korontada iyo Wasiiru dowlayaal.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa maamulka Somaliland uu ku sheegay in ay tahay kobcinta xiriirka labada dal iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa isticmaalka dekadda Berbera, hirgelinta koronto ka timaada Itoobiya iyo dhismaha 

soodhoweynwasiiroLaakiin warar hoose iyo guux siyaasadeed ayaa socdaalkaan ka dhashay, iyadoo wararku sheegayaan in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo heshiis kula gashay Itoobiya in lagu wareejiyo maamulka ilaha dhaqaale ee Somaliland sida Garoonka diyaaraddaha Hargeysa, Berbera iyo Dekadda Berbera oo dhowr mashaariic ay ka fulin doonaan.

Shirkadda Ethiopian Airline ayaa noqon doonta midda maamuli doonta gegida diyaaradaha Hargeysa, sida uu heshiiskaani dhigaayo, waxaana booqashadan wafdigan qeyb ka ah fududeynta sida ugu dhaqsaha badan ee loo hirgelin doono heshiisyadan, ka hor inta aysan dhicin doorashada Somaliland.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada