Shirkii Golaha Wasiirada DFS oo badalay shirar Siyaasadeed

Shirkii Golaha Wasiirada DFS oo badalay shirar Siyaasadeed

daajis.com:-Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaarahiisa C/weli Sheekh ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay howlihii xukuumadda iyo shirarkii ay maalin walbo Khamiis ah isugu imaan jireen Golaha Wasiirada.

Tan io markii uu sii xoogeystay khilaafka labada mas’uul ayaan wax kulan ah aysan yeelan golaha Wasiirada ay labo garab u kala jabay.

Shirarka Golaha Wasiirada ee dhici jiray Maalin walba oo Khamiis ah, loogana doodi jiray xaalada guud ee dalka sida ammaanka ayaa wixii ka dambeeyay 25-kii bishii hore aanay qabsoomin, waxaana loo aaneynayaa heerka khilaafka uu gaaray iyo wada shaqeyn la’aanta Xubnaha Wasiirada.

Waxaa la arkay Wasiir iyo kuxigeenkiisa oo uu saameeyay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, taasoo keentay in aysan wada shaqeyn karin isla markaana ay baaqdaan kulamadii kala war qaadashada.

Ugu danbeyntii, shirarkii Golaha Wasiirada ayaa waxaa bedelay shirar siyaasadeed habeen iyo maalin ah oo ka socda Xafiisyada Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda, iyadoo xafiis walba lagu arkayo wasiir iyo xildhibaan labada dhinac kala safan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada