Kenya oo shaacisay inay gacanta ku dhigeen 10 qof oo lagu tuhmayo Al-Shabaab

Kenya oo shaacisay inay gacanta ku dhigeen 10 qof oo lagu tuhmayo Al-Shabaab

daajis.com:- Ciidadamada Booliska ee dalka Kenya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen ilaa 10 qof oo lagu tuhmaya inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.


Dadkaan la qabtay oo laba ka mid ah ay yihiin haween ayay Booliska sheegeen inay dhawaan ka yimideen dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska dalka Kenya Gatiria Mboroki ayaa sheegay in 10-kaan qof lagu tuhmaya inay ku lug lahaayeen weeraro dhawaantaan ka dhacay magaalada Nairobi, isagoona tilmaamay afhayeenku inay dadkaan ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalka Kenya.

Faah-faahin dheeraad ah ma aysan ka bixin Booliska dadkan tiradooda lagu sheegay 10-ka qof ee laba ka mid ah ay yihiin Haween, waxaana boolisku aysan weli cadeynin halka dhalasho ahaan ay si rasmi ah uga soo jeedaan dadkaan tuhmayaasha ahi.

Dalka Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ururka Al-shabaab ka geystaan weerarada isqarxinta, iyadoona Kenya ay ciidamadeeda ka jooogaan dalka Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada