Daawo:- Ugandha oo maxkamad Sarkaal ka tirsan AMISOM

Daawo:- Ugandha oo maxkamad Sarkaal ka tirsan AMISOM

daajis.com:-  Mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Ugandha ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM ayaa lasoo taagay maxkamad, kadib markii lagu eedeeyay masuq maasuq uu ku kacay, isagoo iska fogeeyay eedeymaha loosoo jeediyay.

Wargayska New Vision ee kasoo baxa Uganda ayaa soo daabacay Col. Benson Olanya oo maxkamadda hortaagan, kaasoo shaqada looga joojiyay kadib markii lagu eedeeyay in isaga iyo saraakiil kale iibsadeen shidaal ay ciidamada AMISOM lahaayeen.

Dacwad oogayaasha ayaa sargaalkaan oo 52 sano jir ah ku eedeeyay inuu si suuq madow ah uu Muqdisho uga iibsaday illaa iyo 720 liter oo shidaal ah oo loogu talo galay in ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga adeegsadaan.Col. 

Col Olanya waxaa uu garsoorka maxkamada dawacdiisa qaadaysa u sheegay inaysan jirin eeda loo jeediyay waxaana uu sheegay in shidaalka lagu tuhmayo inuu ku bixiyay howlgalka Soomaaliya ka socda si gaar ah waxaa uu sheegay inuu jiro shidaal uu u amray ciidamada Soomaaliya ee kuwa AMISOM ay howlgalka kuwada jiraan.


Si gaar ah waxaa uu sheegay in 28 bishii July sanadkii hore ee 2013 inuu 300 oo liter oo shidaal uu siiyay ciidamo Soomaali ah oo ka codsaday kadib markii uu shidaalkii ka go’ay ayagoo dagaal ku jira.

Sidoo kale waxaa uu xusay in qof rayid ah oo Muqdisho degen hase ahaatee uu magaciisa qariyay uu siiyay 420 leter oo shidaal ah kadib markii uu ku caawiyay matoor nooca Jeneratarada loo yaqaan ah mid ka mid ah xeryaha ay Muqdisho ka degen yihiin ciidamada Uganda oo uu xilligaasi matoorkoodii ciladoobay.Col. Benson Olanya2Gudoonka maxkamada ayaa dhagaysiga kiiskaan dib u dhigtay illaa iyo maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu 17 tahay.

Dawlada Uganda ayaa baaraysa kiisas loo haysto saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga kuwaasoo ku eedeysan inay wax musuq maasuqeen iyo inay kufsi geysteen.

Dhanka kale wasaaradda gaashaandhiga dalka Uganda ayaa kaararka aqoonsiga u sameysay in ka badan 2,000 oo askari oo dhawaan ka laabtay dalka Soomaaliya kuwaasoo ay dawlada Uganda sheegtay inay shaqo adag Soomaaliya ka qabteen muddo sanad ah oo ay joogeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada