M/weynaha Somalia oo ka hadlay buuqii baarlamaanka & arrimo kale

M/weynaha Somalia oo ka hadlay buuqii baarlamaanka & arrimo kale

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta shir jaraa’id oo aan wax su’aalo ah lagu weydiin ku qabtay Madaxtooyada ayaa ka hadlay xaalada dalka, isagoo ugu baaqay shacabka in aanay niyad jebin waxyaabaha qaar ee dhacaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkiisa jaraa’id waxaa uu ku soo hadal qaadayQorshaha Dowladda ee Hiigsiga 2016, Isku-dhafka Ciiddamadda Qaranka iyo Buuqii dhawaan ka dhashay Kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka ee fowdada ku dhamaaday.

“Dowladda waxaa ka go’an meel marinta Hiigsiga cusub ee sanadka 2016, in dalkan ay ka dhacdo doorasho dimoqraadi ah, waxaan ka shaqeyneynaa inaan diyaarino shuruucda dalka iyo nidaamkii lagu hirgelin lahaa doorasho”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Mar uu ka hadlay buuqii iyo fowdadii kulankii Baarlamaanka ee Talaadadii la soo dhaafay ayaa sheegay in taasi ay muujineyso dimoqraadiyad

hassan-sheik“Hadii Baarlamaanka uu Buuq ka yeeray waa dimoqraadiyad, macnaheeda ma ahan in meesha lagu kala tagay, ma ahan in lagu niyad jabo oo aanan u arkin wixii dhacay inay ahaayeen wax lagu kala tagayo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday arrimaha maamul u sameynta iyo dadaalada socda, waxaana uu xusay inay dowladdu dadaalo dheer ah ay gelin doonto maamulada dalka.


“Dowladda waxay dadaalo dheeri ah gelin doonaan sameysashada maamulada dalka, hada Baydhabo muddo dheer ayaa loo fadhiyaa maamul, waxaa rajeynaynaa in todobaadyada soo socda ay natiijo ka soo baxaan, Gobolada dhexe is afgarad ayaa laga gaaray, sameynta maamulkooda dar dar cusub ayaa la gelinayaa todobaadyada soo socda, Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Banaadir wada tashiyadooda ayaa socda, dhowaan tallaabo cad ayaa laga soo saarayaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaan soo hadal qaadin khilaafka isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan danta qaranka.

“Rabitaanka dadweynaha Soomaaliya marna ma ogolaan doonaan keli telisnimo ka hana qaada Soomaaliya, marnaba lama ogolaan doono kelitalisnimo dad gaar ah, gobol gaar ah, si ay talada dalka ugu maamulaan”ayuu yiri Madaxweynaha oo tilmaamay in laga soo gudbay nidaamkii kelitalisnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadaal weyn ay gelin doonaan sidii loo mideyn lahaa Ciidamada qaranka, min raaskambooni ilaa raas caseyr.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu wali taagan yahay khilaafka isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo si guud ah u saameeyay hey’adaha dowladda, waxaana uu boorka ka jafayay in aanay dowladiisa hilmaamin dadaalka ku aadan hirgelinta qorshaha Hiigsiga cusub ee sanadka 2016.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada