Daawo Fannaanka Hanuuniye oo isagoo qiireysan Muqdisho ka degay

Daawo Fannaanka Hanuuniye oo isagoo qiireysan Muqdisho ka degay

daajis.com:- Fannaanka caanka ah ee Cabdalla Yuusuf Hanuuniye oo ka mid ahaa Hobaladii Waaberi ee beri samaad ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib sanado badan oo uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.

Fannaanka, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu la qiirooday oo uu la ooyay markii uu arkay dadkii soo dhaweeyayna oo isugu jiray Abwaano, Fanaaniin, wariyeyaal, eheladiisa iyo qaybaha kale ee bulshada.

“Dalkeyga iyo dadkeyga aaan jeclahay ayaan u imid intaan oo Wariyeyaal  sidaan isku daba yaaceysa weli imaba hor imaan” ayuu yiri Fanaanka.
Wuxuu sheegay Hanuuniye inuu Muqdisho u yimid sidii uu ugu qeyb qaadan lahaa hirgelinta iyo taageerida nabadda Somalia.

“Markaan soo degay in la i qaad qaadaayo waa boholyoow aan dalkeyga u qabo. Qabyaalad ayaa lagu saliday Soomaali, Ilaaheey haka daweeyo, nabadda  waxaan uga qayb qaadanayaa wax kasta aan uga qayb qaadan karo, guri la dhisaayo oo la rinjiyeynaayo waan ka qayb qaadanayaa waliba waa waajib waan qabanayaa.” ayuu sii raaciyay Hanuuniye.

Cabadalla Yuusuf Hanuuniye oo ah Abwaan heesaha curriya, qaada, laxamadana saara ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku howlanaa sameynta Sugaan wadaniyadeed iyo kuwo gubaabo isugu jira, iyadoo heestii ugu danbeysay uu u sameeyay ciidamada xoogga dalka oo uu ku dhiirigelinayay.

Magaalada Muqdisho ayaa labadii sano ee ugu dambeysay si xoog leh ugu soo laabaneysay Fannaaniintii hore ee ka tirsanaa Hoboladii Waaberi, kuwaasi oo qaarkood saldhigtay oo fanka ka wada Muqdisho.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada