DAAWO:- Furutaanka Xarunta Cusub ee Baarlamaanka Jabuuti (VIDEO)

DAAWO:- Furutaanka Xarunta Cusub ee Baarlamaanka Jabuuti (VIDEO)

daajis.com:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hogaaminayo ayaa waxay maanta magaalada Jabuuti, uga qeybgaleen Munaasabad lagu furayey dhisme cusub oo uu ku hawlgali doono Golaha Baarlamaanka Qaranka Jabuuti.

Gudoomiyaha, ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay gelinkii dambe ee maanta Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka caalamka qaarkood iyo safiiro.


Munaasabadda furitaanka dhismaha cusub ee Baarlamaanka Jabuuti oo maanta uu si rasmi ah xarigga uga jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele waxaa sidoo kale lagu marti qaaday oo ku sugnaa Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalal caalamka ka tirsan sida Gudoomiyaha Baarlamaanka IRAN oo dalkiisa uu dhismahan hirgeliyey, Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Saudi Arabia,Imaaraadka Carabta,Jaamacadda Carabta,Kuwait,Yemen, Sudan iyo hormuudka Baarlamaannada Afrika.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulammo gaar gaar ah gelinkii dambe ee maanta kula qaatay Hotelka Kampiski ee magaalada Jabuuti Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Iran,Imaaraadka Carabta iyo Jaamacadda Carabta kuwaasi oo dhammaan ay ka wada hadleen xiriirka iyo wada shaqeynta uu Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaannadaasi,sidoo kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu kulammo la qaatay safiirrada dalalka caalamka qaarkood u fadhiya dalka Jabuuti.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada