VIDEO:- Ciidamada Amaanka oo holgalo baaritaan ka fuliyay magaalada Muqdisho

VIDEO:- Ciidamada Amaanka oo holgalo baaritaan ka fuliyay magaalada Muqdisho

daajis.com:- Wasaarada Amniga Qaranka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay ineey dardar gelineeyso howlgallada looga hortagayo kooxaha dalka ka wada falalka amnidarada ah.

Afhayeenka wasaaradaasi Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in maanta ay bilaaban doonaan howlgallo ka balaaran kuwii hore, kuwaasoo lagu xaqiijinayo ammaanka dalka.

Maxamed Yuusuf Cismaan afhayeenka wasaaraddda amniga Qaranka ayaa xusay in howlgaladii ka socday dalka todobaadyadii la soo dhaafay lagu fashilyay shabakado isku xiran oo ka shaqeeya amnidarada.


“Howlgaladaasi intii ay socdeen waxaa la helay garaashyo iyo guryo lagu diyaarin jiray qaraxyada iyo falalka amnidarada ah, howlgaladaasina ay si isku mid ah uga socdaan dhamaan gobollada dalka” ayuu yiri Maxamed Yuusuf Cismaan.

Afhayeenka ayaa shacabka ka dalbaday ineey ciidamada kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga oo ay indho iyo dhego u naqdaan ciidanka sida uu hadalka u dhigay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada