Fadhigii baarlamaanka oo buuq iyo fowdo ku bilowday

Fadhigii baarlamaanka oo buuq iyo fowdo ku bilowday

daajis.com:- Waxaa saakay buuq iyo fowdo ku bilowday furitaankii shirka Baarlamaanka u balansanaa in xildhibaanada loogu qeybiyo mooshinka laga soo gudbiyay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh. Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Xukuumada ayaa lagu soo waramayaa inay markii labaad jeex jeexeen waraaqihii diiwaan gelinta xildhibaanada soo xaadiray fadhiga Baarlamaanka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in sidoo kale Xildhibaanada ay jeexeen waraaqadaha mooshinka oo nuqullo ka mid ah loo qeybinayay sida qorshuhu ahaa, waxaana wali hoolka shirarka soo gelin Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Saxaafadda ayaa sababta loogu diiday lagu sheegay si aanay u buun buunin buuqa iyo jahwareerka wali ka taagan fadhiga, iyadoo Gudoonka uu isku dayayo inuu maanta sameeyo tallaabo uu arrintaas kaga hortagayo.

qeyo-xildhibaanoCiidamo fara badan ayaa la soo sheegayaa inay gudaha baarlamaanka ku sugan yihiin, kuwaasoo sugaya ammaanka, lamana oga tallaabada ay qaadi doonaan iyo inay kala dhex geli doonaan.

Dhinaca kale Xildhibaanada mooshinka ka keenay Xukuumada ayaa iskood isugu qeybiyay nuqulada mooshinka, kadib markii xildhibaanada diidan ay iyana jeex jeexeen, waxaana xaalad kacsanaan ah ka jirtaa fadhiga Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu goor dhow soo geli doono hoolka shirarka marka ay saacadu geeska Afrika tahay 11:00 barqno-nimo oo ay qadaro daqiiqado ah ka harsan yihiin.

Lama oga waxa uu ku dambeyn doono fadhiga Baarlamaanka, iyadoo labo jeer oo hore uu fadhiga u baaqday fowdo iyo buuq ka dhashay mooshinka, waxaana wali jira Xildhibaanada inay aad u kala qeybsan yihiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada