Daawo Sawirada:- Baska Dunida ugu casrisan oo leh musqulo iyo adeegyo badan

Daawo Sawirada:- Baska Dunida ugu casrisan oo leh musqulo iyo adeegyo badan

daajis.com:-Baska Dunida ugu casrisan kaas dhawaan ka shaqo bilaabay wadanka UK, Gaar ahaan magaalada London, isagoo la filayo in dhawaan laga ka shaqo bilaabi doono gobolo kale, arinta indhaha dad weynaha soo jiidatay ayaa ah in baskaan si gaar ah u leeyahay musqulo iyo goobo qashinka loogo tala galay oo gaar ah.

Qalabka loo isticmaalay musqulaha ayaa ah mid deegaanka aan wax dhibaato ah u laheyn, iyadoo la isticmaalayo gaas laga sameeyey bacrinta dhirta, dunida ayaa waxaa dhib weyn ku hayo diikhowga (wasakhowga) hawada.


Mohammed Saddiq, Maamulaha guud ee shirkada  GENeco, oo ah shirkada soo saarta gaaska loo isticmaalay musqulaha Basaskaan ayaa u sheegay wargeyska Bristol Post :” Gaaska loo isticmaalayo baabuurtaan wuxuu kordhinayaa nadiifinta hawada magaalooyinka wadanka UK”.

Shirkada GENeco ayaa todobaadkan noqotay shirkadii ugu horeysay ee soo saarta gaas laga dhaliyey Qashin saarka bini aadamka (saxarada), gaaskaas oo loo qeybiyey ilaa 8000 guri.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada