Daawo Sawirada:- Kooxda Daacish oo Meydadka Rag Suniyiin ah ay laayeen Safay laami dhinaciisa si dadku u daawadaan.

Daawo Sawirada:- Kooxda Daacish oo Meydadka Rag Suniyiin ah ay laayeen Safay laami dhinaciisa si dadku u daawadaan.

daajis.com:- Xoogaga Islaamiyiinta Daacish ee Ka dagaalanta Dalka Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa in ay xasuuq ka geesteen Deegaano katirsan Gobolka Anbaar ee Dalka Ciraaq, halkaas ay mudooyinkii dambe kooxdu kusii fideesay..

Maalinimadii shalay ayaa kooxda Daacish waxa ay dishay 30-nin oo Suniyiin ah kuwaa ay ka qabteen Deegaano ku dhaw Magaalada Ramadi ee Gobolka Anbaar, waxa ayna Daacish ragan ay dileen ay safeen laami dhinaciisa si ay dadku u daawadaan sawirana uga qaataan.

Waxaa sidoo kale Warbaahinta caalamiga ah ay tabinayaan in kooxda Daacish ay laayeen ku dhawaad 200-qof uu badan dad Suniyiin ah saacadihiilasoo dhaafay, waxaana meydadka dadkaasi ay Kooxdan laayeen lagu arkay Magaalada Ramaadi iyo Deegaano ku dhaw dhaw.

Xoogaga Islaamiyiinta ee Daacish oo u badan Siniyiin mayal adag ayaa mudooyinkii dambe qabsanayay Deegaano iyo magaalooyin katirsan Gobolka Anbaar , waxa ayna kooxdan laayeen maleeshiyaad iyo askar katirsan Ciidanka Ciraaq oo gacanta u galay iyo sidoo kale dad iyana ay ku tuhmeen in Dowlada Dalkaasi la shaqeeyaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada