Kooxo dabley ah oo Booliis farabadan ku dilay Degaanka Turkana ee dalka Kenya

Kooxo dabley ah oo Booliis farabadan ku dilay Degaanka Turkana ee dalka Kenya

daajis.com:- Rag hubaysan oo aan la garaneyn ayaa shalay galab weerar gaadmo ah waxa ay ku dileen Askar ka tirsan Booliiska dalka Kenya, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Turkana ee Waqooyiga Galbeed ee dalka Kenya. 


Ilaa sideed askari,ayaa la sheegay in weerarkaasi lagu dilay oo kamid ahaa ciidamada Booliiska dalka Kenya, waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay falka dilka ah ee askartaasi loo geystay.


Saraakiil ka tirsan Booliiska Dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in weerarkaan oo dhacay shalay galab, sidoo kale ay ku dhinteen labo ruux oo shacab ah, marka laga soo tago tirada 8-askari ah ee dhintay.

Afhayeen Police oo lagu magacaabo Masoud Mwinyi,ayaa kamid ahaa ciidanka ammaanka sugaayay ee ku sugnaa xaafada Kapedo oo ka tirsan deegaanka Turkaana, xilliga weerarka uu dhacaayay, waxaana sarkaalkaan uu sheegay in dagaal uu dhexmaray ragii hubaysanaa iyo ciidamada Booliiska.


Ilaa hada waxaan la ogeyn raga weerarka geystay waxa ay ahaayeen iyo dalka ay u dhasheen, inkastoo Booliiska Kenya weli aysan bixin faah-faahin buuxda oo ku aadan khasaaraha weerarkaasi ka dhashay iyo cida ay ku tuhmayaan inay weerarka geysteen.

Al Shabaab oo dowladda Kenya dagaal kula jirto weli kama aysan hadlin weerarkaan lagu dilay Askarta Kenyatiga ee ka dhacay dalkaasi Kenya.

Xoogaga Shabaab ayaa weeraro kala duwan waxa ay ka geysteen Gobolka Xeebta ee dalka Kenya iyo Magaalad Nairobi gudaheeda, weeraradaasi oo dhacay waqtiyo kala duwan, waxaana ka dhashay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada