Daawo Sawiradda:- Soomaaligii lagu dilay duqeyntii Syria ka dhacday

Daawo Sawiradda:- Soomaaligii lagu dilay duqeyntii Syria ka dhacday

daajis.com:- Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa baahiyay muuqaalka labo nin oo mid uu Soomaali u dhashay, midna Eritrea, kuwaasi oo lagu dilay duqeyn ay ciidamada Mareykanka ka geysteen dalka Syria.

Abu Dharda oo ah wiil Soomaali British ah, balse Islaamiyiinta Syria ugu yeeraan  Abu Musa as-Somali iyo Abu Abdallah Al-Habashi oo ah Eritrean British asalkiisa haystay diinta masiixiga balse gadaal ka Islaamay ayaa lagu dilay duqeyn ay ciidamada cirka Mareykanka ka geysteen magaalada Kobane oo ku taal xuduuda Syria iyo Turkiga xili ay ka bar bar dagaalamayeen kooxda Daacish.

Labadan nin ee Soomaaliga iyo Eritreanka ayaa waxay ku soo barbaareen magaalada Londan.

Dowlada ingiriiska ayaa aaminsan in qiyaastii 500,oo ruux oo haysta dhalashada dalka ingiiska iyo kuwo u dhashay in ay ku biireeen kooxda Daacish,taasina wal wal ay ku reebtay dowlada iyo shacabka dalkaasi.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada