Walaac:- Dollarka & EVC oo Suuqa ka saaray Lacagtii Shillin Soomaaliga

Walaac:- Dollarka & EVC oo Suuqa ka saaray Lacagtii Shillin Soomaaliga

daajis.com:- Walaaca laga qabo mustaqbalka Shillin Soomaaliga in uu sii shaqeeyo ayaa soo kordhaya, kadib markii la arkay in uu meesha kasii baxayo wax ku kala iibsashada lacagtii dalka ee Shilin Soomaaliga uu badalay Dollarka Mareykanka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in shilinkii dalka uu meesha ka baxayo kaddib markii uu suuqa si wayn u soo buux dhaafiyay doollarka Mareykanka oo noqday mid wax walbo lagu kala iibsado.

Xeer-ilaaliyaha ayaa ku boorriyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya inay u istaagto wax ka qabashada dhibaatada soo wajahday lacagta shilin Soomaaliga, isla markaana ay arrintaas iska kaashadaan Wasaaraddaha iyo xukuumadda.

shilin-somali-dollarDadka Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka ayaa lacagta wax ay ku kala iibsadaan noqotay Dollar, taasina ay ugu wacan tahay lacagta Shillin Soomaaliga ee shaqeysa oo noqotay Kun Shilin kaliya, lacagihii kalena ay meesha ka baxeen.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane ayaa dhankiisa qiray inuu meesha ka sii baxayo shilin Soomaaliga, hase yeeshee uu jiro qorshe ay wasaaraddiisu waddo oo ay wax uga qabaneyso dhibaatadaas.

Wuxuu tilmaamay in aysan haatan dowladda Soomaaliya dhaqaale ahaan awoodin inay soo daabacdo lacag cusub oo shilin Soomaali ah, balse wuxuu xusay inay dowladda Sudan ka sugayaan lacag shilin Soomaali ah oo ay ballan-qaadday inay daabici doonto.

Guud ahaan Suuqyada Soomaaliya waxaa hadda ka shaqeeya hal nooc oo lacag ah, taas oo ah kun shilin, lacagihii kale oo shilinka ahaana ay meesha way ka baxeen kaddib burburkii dowladdii dhexe, waxaana kunkaas shilin lagu lammaaniyaa doollarka oo si weyn wax loogu kala iibsado.

Hoteelada, Dukaamada waaweyn ee adeegyada laga sameysto intaba waxaa wax lagu kala iibsadaa Dollar, halka dukaamada kale iyo raashinka daruuriga dadku lacagta isugu diraan barnaamijka EVC plus, kaasoo shirkadda isgaarsiinta Hurmuud ka hirgelisay dalka, balse qeyb ka ah burburka Shillin Soomaaliga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada