Degmada Baraawe oo noqonaysa caasimada maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya

Degmada Baraawe oo noqonaysa caasimada maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya

daajis.com:- Guddiga farsamada ee maamul u sameeynta gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya  ayaa shaaciyay in degmada Baraawe ay tahay caasimada maamulka Koofur Galbeed.

Afhayeenka guddiga farsamada maamulka saddexda gobol Siyaad Shiikh Daahir ayaa sheegay in ergooyinka dhismaha maamulka iyo guddiga farsamada ay isku raaceen in xarunta maamulka ay noqoto magaalada dekadda leh ee Baraawe oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabellaha Hoose.

Magaalada Baydhabo iyo Baraawe ayaa maanta laga taagay calanka uu yeelanayo maamulka saddexda gobol ee Bay,Bakool iyo Sh/hoose.

Lama oga sababta keentay in degmada Baraawe loogu aqoonsado inay noqoto caasimad maamul goboleedka iyadoo la ogyahay in magaalooyinka Baydhabo,Marka iyo Xudur ay yihiin magaalo madaxyada saddexda gobol ee Bay,Sh/hoose iyo Bakool.


Degmada Barawe ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu dambeeyay ee ay ciidamada dowlada la wareegeen, waxayna u ahayd xarun ururka Alshabaab iyadoo halkaa weerar ay ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ku soo qaadeen intii ay haysteen ururka Alshabaab,


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada