VIDEO:- Ciidanka Xooga dalka oo howlgalo isbaaro qaadis ah ka sameeyay Gobolka shabeelaha Hoose .

VIDEO:- Ciidanka Xooga dalka oo howlgalo isbaaro qaadis ah ka sameeyay Gobolka shabeelaha Hoose .

daajis.com:-Ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa howlgalo ay kula dagaalamayaan isbaarooyinka ka sameeyeen wadada u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada hoose

Maxamed maxamuud Xasan Qaafoow Taliyaha Qeybta labada Shabeelle iyo Banaadir ee Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlo isbaaro qaadis ah oo ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Wanlaweyn.

Taliyaha waxa u sheegay in ay ku Guuleysteen in ay qaadaan 16 isbaaro oo uu sheegay in ay ka qaadeen inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Shabeelaha Hoose.waxa uu xusay in ay sii wadayaan howlaha Isbaaro qaadista ah.


Waxa uu intaasi ku daray in iminka ay nafis helayaan Gaadiidleyda iyo Shacabkii lagu dhibaateyn jiray inta u dhaxeysa labada Shabeelle iyo Gobolka Banaadir. waxa uuna Shacabka iyo Gaadiidleyda ka codsaday in ay soo sheegaan cidii ay u arkaan in ay dhibaato ku heyso.



Qaadista Isbaarooyinkan aya imaanaya ka dib Cabasho fara badan oo ay muujiyeen gaadiidleyda ka shaqeysa labada Shabeelle iyo Banaadir.waxayna mar welibo ka caban jireen askar ku lebisan Dareeska Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Madaxda Dowlada Soomaaliya ayaa horay u sheegay in ay ku dadaalayaan qaadista Isbaarooyinka waxayna tilmaameen in askarigii lagu arkaa isagoo oo isbaaro dhiganayo ama dhibaateynayo Shacabka tallaabo Sharci ah laga qaadi doono.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada