Eey tababaran oo Muqdisho lagu toogtay ayaa dhaliyay xiisad

Eey tababaran oo Muqdisho lagu toogtay ayaa dhaliyay xiisad

daajis.com:- Xiisad ayaa ka dhalatay caawa Eey ay toogteen ilaalada mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo marayay wadada hor marta Hotel Wehliye ee ku yaal jidka Makka Al-Mukarama.

Eeygaan oo ahaa mid tababaran oo loogu talagalay in uu sheego gaadiidka iyo dadka aan ka tirsaneyn Hotelka, wuxuuna caawinayay ilaalada Hotelka, iyadoo xiliyada habeenkii lasoo daayo eeygaasi.

eeyXili ay kusoo dhawaadeen gaariga Xildhibaanka iyo ilaalada la socotay ayuu ku qeyliyay, kuna soo orday, taasoo keentay in ay toogtaan Eeyga, waxaana kusoo baxay ilaalada Hotelka.

Maamulka Hotelka ayaa aad ugu carooday dilka Eeygaasi, iyagoo qabsaday ilaalada Xildhibaanka oo muran badan uu dhex maray.


Eeygaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid aad u tababaran, waxaana uu ilaalada Hotelka ka caawin jiray in uu sheego dadka ku cusub wadadaasi xiliyada habeenka marka ay isticmaalayaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada