Video:- Ninka dunida ugu dheer & kan ugu gaaban oo kulmay

Video:- Ninka dunida ugu dheer & kan ugu gaaban oo kulmay

daajis.com:- Ninka dunida ugu dheer iyo kan ugu gaaban ayaa ku kulmay xaflad ka dhacday magaalada Londan, waxayna sawirro soo jiiday caalamka ay isaga qaadeen bannaanka guriga baarlamaanka Ingiriiska.

Sultan Kösen oo u dhashay dalka Turkiga ayaa ah ninka ugu dheer dunida oo dhererkiisa yahay 2.44 mitir, halka Chandra Dangi oo reer Napel, isna uu yahay qofka ugu gaaban caalamka, dhererkiisana waa 55 Centimeter.

Labadan nin ayaa  sawiro iyo muuqaallo isaga duubay bannaanka guriga baarlamaanka Ingriiska, waxayna qeyb ka ahaayeen boqolaal qof oo lagu qoray buuga mucjisada adduunka ee kasoo qeybgashay xuska buugaasi oo noqday midka ugu iibsashada badan caalamka.

Sultan Kösen, 31 sano jir ah ayaa ah beeraley ku nool magaalada Ankara, wuxuuna sanadkii 2009 noqday qofka ugu dheer caalamka, markii uu rikoorkaasi ka qaaday nin u dhashay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Xi Shuan kaasoo cabirka dhererkiisu uu gaarayay 2.36 mitir.

Ninka isna dunida ugu gaaban ayaa dhererkiisa noqday 55 Centimeter wuxuuna ku nool yahay tuulo 335 miles u jirta caasimada Ketmandu ee dalka Nepale, isagoo rikoorkaasina kala wareegay nin u dhashay India oo la yiraahdo Gul Mohamed oo cabirkiisa ahaa 22.5 ins.


Waxaa la dhashay labo wiil iyo labo gabar oo afar jeer ku laba jibaarma cabirkiisa, taasoo la macna ah inay aad ugu dheer yihiin. 




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada