Markab Yuhuudi ah oo si dirqi ah ugu baxsaday burcad badeeda

Markab Yuhuudi ah oo si dirqi ah ugu baxsaday burcad badeeda

daajis.com:- Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee badda cas ayaa weeraray markab xamuul ah oo laga leeyahay dalka Israa’iil, sida ay maanta faafiyeen wargeyyada Yuhuudda.

Weerarka oo aanan natiijo laga gaarin ayaa waxa uu ka dhacay gacanka Baabul Mandad loo yaqaano, waxaana markabka lahaa shirkada maraakiibta ee ZIM.

Waxaa la sheegey in markii kooxahani ay u dhawaadeen markabka ay arkeen illaalo hubeysan, kadibna ay u yeerteen ciidamo xoojin ah, markii dambe ee ay weerarka ku qaadeena ay la kulmeen iska cabin.

War kasoo baxay wasaaradda gaadiidka Israa’iil ayaa lagu amaanay illaalida sida ay isaga waabiyeen, sida uu kasoo xigtey bogga Ynet ee uu leeyahay wargeyska Yedioth Ahronoth.


Waa dhif iyo naadir maraakiib ay Israa’iil leedahay in ay weerar kala kulmaan kooxaha Soomaalida.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada