Ergooyinka shirka Baydhabo oo ka horyimid go’aanka Madaxda

Ergooyinka shirka Baydhabo oo ka horyimid go’aanka Madaxda

daajis.com:-Ergada ka qeybgaleysa shirweynaha ka socda Baydhabo ee maamul u sameynta Koonfur Galbeed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Madaxda Dowladda Federaalka ku hakiyeen shirkaasi mudo labo todobaad ah, waxayna ku dhawaaqeen ergada shirka in maalinta Khamiista ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.

halay ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Abdiweli ay soo saareen go’aan wada jir ah oo lagu hakinayay si KMG ah shirkaasi inta laga wada tashanyo muranada siyaasadeed iyo isqabqabsiga kooxaha kasoo horjeeda shirkaasi.

shir-baydhaboGudiga Farsamada Maamulka koofur galbeed ayaa sheegay in ergooyinka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan masiirkooda, isla markaana wixii hada ka dambeeya ay shirka ku wareejiyeen ergada.

Qaar ka mid ah ergooyinka ayaa sheegay in shirkooda sii soconayo oo aanay u hakin doonin go’aanka Madaxda dowladda, waxaana ay sheegeen in maalinta khamiista ay dooranayaan Madaxweyne.

Gudiga doorashada ayaa maanta bilaabanaya qabashada araajida musharixiinta u taagan doorashada, waxaana jira shuruudo la xiriira dadka isku soo sharaxaya doorashada.


Waxaa jira murano u dhaxeeya siyaasiyiinta gobolada Bay iyo Bakool oo shirar iska soo horjeeda Baydhabo ka wada, si taasi meesha looga bixiyo ayeyna madaxda DF u soo saareen go’aanka ay ku hakinayeen shirka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada