War Deg-Deg:- Xildhibaan Prof. Dalxa oo weerar lagu qaaday ka badbaaday

War Deg-Deg:- Xildhibaan Prof. Dalxa oo weerar lagu qaaday ka badbaaday

daajis.com:- Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakay ka badbaaday isku day dil, kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas la beegsadeen gaari uu ku socday isaga iyo ilaaladiisa.

Kooxaha hubeysan ayaa gaari ku hor gooyay xildhibaanka, isla markaana rasaas ku furay, hase ahaatee uu ka badbaaday Xidlhibaanka, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay labo ka tirsan ilaaladiisa.

Weerarkaan oo ka dhacay agagaarka hoyga uu ka degan yahay xildhibaanka degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, iyadoo kooxihii weerarkaan geystay goobta ka baxsadeen.

Xildhibaan Dalxa ayaa Idaacaddaha Muqdisho ka howlgala u sheegay in weerarkaasi waxba kasoo gaarin balse labo ka tirsan ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen.

Ma sheegin kooxaha falkan geystay heybtooda, hase ahaatee waxaa lala xiriirinayaa kooxaha falalka amaan darada ka wada Muqdisho ee sheegta mar walba dilalka Xildhibaanada iyo dadka kale ee waxtarka u leh bulshada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada