Fadlan Beeshan u Codee Doorashada 2016-ka Hadii aad Jago-doon tahay si aad u hesho Wasiir Ama Jagooyin kale !!

Fadlan Beeshan u Codee Doorashada 2016-ka Hadii aad Jago-doon tahay si aad u hesho Wasiir Ama Jagooyin kale !!

daajis.com:- Magaca beesha ayaa iga batay, Haddii aad hadasho, waa la is weydiinayaa waa beeshee? Haddii Jago-doon tahay sidoo kale, Wasaarad kasta abtirkaaga ayaa kaaga horeeya, Goloha Baarlamaanka kaba daran, Madaxtooyada haba sheegin!!

Soomaaliya waa dal cajiib ah, Muhiim ma aha inta shahaado aad soo qaadatay Lakin Shahaada beesha ayaa ka muhiimsan wax walba!!

Soomaaliya, si aad magac iyo maamuus u hesho waa in aad u hadashaa sida beesha ay rabto, ka shaqeyso goobta ay beesha rabto, la socotaa dadka ay beesha rabto, u fakirtaa sida ay beesha dooneyso!!

Lakin Beesha waxay jeceshahay in ay kaligeed noolaato, beesha waxay jeceshahay in ay kaligeed wax maamusho, inay kaligeed noqoto midda ugu dhaqaalaha, aqoonta ito tirada badan dalka!!

Lakin Beesha waxay jeceshahay in talada Soomaaliya looga dambeeyo, in mustaqbalka Soomaaliya iyada go’aan ka gaarto iyo in dadka, dalka sida ay doonto ka yeelato!!


Lakin Beesha ma jecla in la dhaliilo, Ma jecla in la takooro, Ma jecla in la sheego damacooda, Ma doonayaan in laga hadlo waxqabadkooda qiimaha badan!!


Beesha waxaa ay meesha ka saartay Soomaalinimo, Beesha waxaa ay meesha ka saartay Heshiis bulsho, Beesha Ma jecla xeerar iyo nidaam kasta oo ka hor imaanaya maslaxadooda!!
Sidaa darteed, waxaa haboon in dalka laga furo Jaamacad dadka lagu baro qabyaaladda iyo qiimaha Beesha:

1. Sanadka koobaad dadka lagu baro: Abtirsiinka, Heyb kala sooca iyo Qabyaaladda!!

2. Sanadka labaad: Sida beesha loo hubeeyo, sida beelaha kale loo dhaco, sida loogu tunto xuquuqda beelaha kale oo loo inkiro xitaa jiritaankooda!!

3. Sanadka sadexaad: sida dalka oo dhan loola wareego Talada, Kheyraadka iyo Masiirka umadda.

4. Sanadka afaraad ee qalin jabinta oo ardayda la bari doono marka beesha dhameyso beelaha kale sidii ay beesha dhexdeeda isu cuni laheyd!!!

Beesha ma jecla in aad ka dhex baxdo, iyadana kaama dhex bixi karto, lafaha iyo dhuuxa ayey kaa gashay……Maxaa kula gudboon? U Codee Beesha sanadka 2016-ka!!!!

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada