Hay’adda Nabad Sugida oo soo bandhigtay hub, Gaadiid & dhalinayo farabadan (Video)

Hay’adda Nabad Sugida oo soo bandhigtay hub, Gaadiid & dhalinayo farabadan (Video)

daajis.com:- Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya oo maanta baaritaano ka sameeyey degmooyinka Hodon, Wardhiigley iyo Yaakhshiid ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen ilaa 22 ka mid ah Alshabaab iyo 5 gaari oo ay leeyihiin iyo hub fara badan.

Afhayeenka wasaaradda amniga qaranka, Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay in howlgalka sidoo kale lagu soo qabtay 30 qori, bambooyin, rasaas, daawooyin iyo shan gaari oo uu sheegay in Al-Shabaab ay u adeegsan jirtay falalka ka soo horjeeda ammaanka.


Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay dowladda la wareegtay afar guri iyo labo garaash oo uu sheegay in lagu diyaarinayay qaraxyo.

“Howlgalladii ugu dambeyay waxaa lagu soo qabtay 82 qof, baaritaanno dheer kaddib waxaa la ogaaday in 22 ka mid ah ay noqdeen horjoogayaal la yaqaano oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaa sidoo kale lala wareegay labo garaash oo lagu diyaarinayay walxaha qarxa iyo shan gaadiid oo ay isticmaalayeen maleeshiyaadka magaalada fowdada mararka qaar ka geysanayay” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.




Xaafadaha Degmada Hodan ee howlgalkii laga fuliyay waxaa lagu soo qabtay waxyaabaha maandooriya, sida qamriga la mac-malay ee loo yaqaan Calaqa, xashiis iyo dadkii ka ganacsanayay, waxaana dhismayaashii lagu gadayay waxyaabaha maanka dooriyay la wareegay ciidamada hay’adda Nabad sugidda ah.

Afhayeen Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in lasoo afjaray wajiga 1-aad ee howlgalka lagu baarayo xaafadaha magaalada Muqdisho, sidoo kalana uu isla maanta bilwoday wajigii labaad ee Howlgalka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada