Ninkii dilay Binladen oo isa soo shaac bixiyay iyo soomaali uu howlgal ku dilay

Ninkii dilay Binladen oo isa soo shaac bixiyay iyo soomaali uu howlgal ku dilay

daajis.com:- Jaraa`idka Daily Mail ee kasoo baa dalka Ingriiska ayaa shaaciyay magaca iyo shakhsiga dilay hogaamiyihii Al-Qaacida Osama Binladen kaas oo lagu sheegay magaciisa Rob O'Neill (38), kana tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykana ee loo yaqaan Navy Seals.


Ninkan oo ka qeybqaatay weerarkii lagu qaaday guriga Osama Binladen uu ka daganaa gobolka Abbottobad ee dalka Pakistan ayaa sharaxay qaabkii uu u dilay Binladen, isagoona sheegay in uu laba xabadood madaxa kaga dhuftay isla markaana uu ku ag dilay sariirtiisa. 



Tan iyo markaas kadib Rob O'Neill waxaa loo diri jiray howlgallada halista ah, isagoona ka qeyb qaatay soo furashadii markabka Maersk Alabama oo laga lahaa dalka Mareykanka islamarkaana ay afduubteen burcad-badeed soomaaliyeed sanadkii 2009-ka


Howlgalka markabkaasi ayaa lagu dilay inta badan kooxihii burcad-badeeda, iyadoona mid ka mid ah nolol ahaan lagu qabtay islamarkaana uu iminka xabsi daa in ku xukuman yahay dalka Mareykanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada