Is Indha tiraada Prof. Jawaari iyo beesha caalamka: Faallo

Is Indha tiraada Prof. Jawaari iyo beesha caalamka: Faallo

daajis.com:-  Ku-xadgudubka iyo ku tumashada qawaaniintii dalka u yaal ee kala hagayay Madaxda iyo shacabka ayaa qof walba oo mas’uul ah siduu doono u adeegsadaa, mar walba, gaar ahaan marka uu bilowdo khilaafyada, sida kan hadda u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra; iisul Wasaaraha.

Baarlamaanka oo ah hay’addii sharci dejinta, ee marka khilaaf iyo dhibaato dhacdo loo noqonayay ayaa, waxaa muuqan Mas’uuliyaddii saarneyd ee shacabka ka sugayay inaysan kasoo bixin xilkii loo igmaday oo ay ku madalayeen shacabka, una dhaarteen.

Khilaafka ragaadiyay howlihii baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa salka ku haaya awooda maamul oo koox walba ay dooneyso in ay sidey doonaan u maamulaan hay´addihii sharci dowladda, taasina waxay keentay khilaaf heerkii ugu sareeyay gaaray oo fadhiyadii hay´adda sharci dejinta isu badalaan goob fowdo iyo buuq.

Marka sharciyan la eego, tirada xildhibaanada ee mooshinka lagu doonayo in lagu rido xukuumadda Ra´iisul Wasaare Cabdiweli, uu si nabad leh baarlamaanka u fadhiisto ansax ka dhigayaan tirada mooshin soo gudbin karta ama codka kalsoonida qaadi kara.

jawaari-nicholas-kayHase ahaatee buuqa iyo fowdada tirada xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka ee raacsan siyaasad ahaan Ra´iisul Wasaaraha ayaa arinta ay ka socon la´dahay inay meel u dhacdo, waxaase go´aankii kama danbeysta ku dhegan Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo xildhibaanada mooshinka soo gudbiyay u arka mid caga jiidaya, awoodiisa sharciyeedna u adeegsan kuwa qaska ka dhex wada baarlamaanka.


Guddoonka Baarlamaanka waxa uu ku fashilmay inuu guto howshiisa, waxayna ku andacoodeen in fowdo baahsan laga wadi karin fadhiga baarlamaanka, waxayna isu muujinayaan inay ilaalinaayaan midnimada baarlamaanka!, taasoo macquul ah.

Waxaa kale oo arinta guddoonka baarlamaanka ugu caga jiidayo xal laga gaaro arintaan murugeysan qeyb ka ah faragelin xoogan oo UN-ka, Mareykanka, Midowga Yurub iyo dalalka daneeya Soomaaliya ay wadaan oo lagu doonayo in Ra´iisul Wasaaraha shaqada sii wato, arintana laga gaaro heshiis, si qorshaha hiigsiga cusub ee sanada 2016 loo naafeyn, taasina ma muuqato, marka la eego mowqifka Madaxweynaha oo taagan inaysan wada shaqeyn karin Ra´iisul Wasaaraha.

Si kastaba, waxay arinta u muuqataa i jiid aan ku jiidee, waa caga daalis. waxaase meesha ku naf beelaya sumcadii hay´addii sharci dejinta dalka ee baarlamaanka oo kasoo bixi waayay mas´uuliyadii loo igmaday.

Ali Muhiaddin Ali
Muxiyaddiin@hotmail.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada