VIDEO:- Safiirka dalka Suudaan u fadhiya Soomaaliya oo maanta Booqday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga

VIDEO:- Safiirka dalka Suudaan u fadhiya Soomaaliya oo maanta Booqday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga

daajis.com:- Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Sudan u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Yuusuf Ibraahim, oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal.

Wasiirka iyo safiirka waxa ay isla soo hadal qaadeen sidii dowladda Sudan ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarada ciidamada iyo deeqadaha waxbarasho oo ay Sudan siineyso Soomaaliya.


Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in Danjire Maxamed Yuusuf ay isla garteen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal, isagoo xusay in ay jiraan 150 dhalinyaro ah oo Wasaaradda Gaashaandhigga u dirtay dalka Sudan, kuwaasi oo loo tababarayo leyli sargaal.



“Waxyaabaha aan isla soo qaadnay waxaa ugu horeysa sidii xiriirka labada dal loo xoojin lahaa, safaaradda Sudan waa tan kaliya ee aan marna la xirin tan iyo bur burkii dalka ka dhacay, waxaa jirtay in aan dalka Sudan u dirnay dhalinyaro loo tababarayo leyli sargaal, arrimahaas iyo kuwa kale ayaan ka wada hadalnay” ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada