VIDEO:- Xawaaladaha soomaalida ee Australia oo qarka u saaran in la xiro+ WARBIXIN

VIDEO:- Xawaaladaha soomaalida ee Australia oo qarka u saaran in la xiro+ WARBIXIN

daajis.com:- Bangiga "Westpack Bank" ee Australia ayaa shaaciyay in uu joojinayo dhamaan lacagaha uu u qabto xawaalada ajaanibta oo ay soomaalida ugu badan tahay.


Bangigan oo ah kii ugu dambeeyay ee lacago u qabta xawaaladaha ayaa ka sahaki qaba in lacagaha ay diraan xawaaladaha qaarkood ay galaan gacanta argagixisada, sidaas daraadeedna uu iyagu sharci qabanayo hadii ay arrimahasi dhacaan. Jaaliyadda soomaalida Melbourne ayaa go`aankan uu qaatay bangiga ku tilmaamay mid nasiib darro ah, iyagoona ka digay arrinkaasi.



Waxa ay jaaliyaddu sheegtay in lacagaha ay diraan ku tiirsan yihiin dad badan oo eheladooda ah, hadii la joojiyana aysan noolaan karin. Dowladda ayay jaaliyaddu ka dalbatay in ay soo farageliso arrinkan, waxaana iminka socda wadahada ay leeyihiin bangiga Westpac iyo dowladda Australia.

Horay ayaa waxaa sadex ka mid ah afarta bangi ee ugu waaweyn dalka Australia u joojiyeen in ay lacago u qabtaan xawaaladaha, bankigana waa kii ugu dambeeyay ee lacagahaasi dira.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada