Mas’uul ka tirsanaa Maamulka G/Sh/Dhexe oo weerar adag lagu qaaday

Mas’uul ka tirsanaa Maamulka G/Sh/Dhexe oo weerar adag lagu qaaday

daajis.com:- Warka ka imaanaya Gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in goor dhow uu dil ka badbaaday Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow.

Wararku waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha uu ka baxsaday isku day dil oo lagu Khaarijin rabay, kadib markii lagu qaaday weerar culus.
Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa la weeraray xili uu ku sugnaa meel aan sidaa uga sii fogeyn barta Kontorool ee looga gudbo Magaalada Jowhar marka laga tago Magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada DF Somalia ee G/Sh/Dhexe ayaa sheegay in goorta la weeraraayay Gudoomiyaha uu ka baxay magaalada Muqdisho islamarkaana uu doonaayay inuu safar dhulka ah ku maro wadada isku xirta Muqdisho iyo Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan waxaana halkaasi ku helay Maleeshiyaad ku hubeysnaa Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhanka kale, Gudoomiyaha ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo weerarkii lala damacsanaa in lagu khaarijiyo, balse waxa ay saraakiishu sheegeen in weerarkaasi uu ahaa mid kaga imaaday dhanka Maleeshiyada Alshabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada