Sweden:- Laanta Socdaalka oo magangalyo doonka ku faafinaysa daafaha wadanka

Sweden:- Laanta Socdaalka oo magangalyo doonka ku faafinaysa daafaha wadanka

daajis.com:-Laanta Socdaalka (Migrationsverket) iyo kamuunada Sweden ayaa waxaa kala haystay dhibaato weyn oo ku saabsan halka laga furayo xeryaha qaxootiga. 

Laanta Socdaalka ayaa shirkadaha ka kiraysata xeryaha qaxootiga iyadoo aan horay u diidi karin haddii shirkad ay soo bandhigto xero buuxinaysa shuruudaha Laanta. Balse arintaas ayaa keentay in kamuuno yaryar oo tirada shacabka ku nool ay aad u yaryihiin ay soo duldegaan boqolaal qaxooti ah.

Isbuucaan ayaa Laanta Socdaalka ay shaacisay in ay xal u heleen arintaas, iyadoo aan shirkadaha laga ogolaan doonin in ay xeryaha qaxootiga ka furaan meesha ay doonaan balse la doonayo in lagu faafiyo daafaha wadanka. Shuruudaha lagu xirayo shirkadaha ayaa waxaa ka mid ah in la eego xaalada kamuunka, iskuulada, caafimaadka iwm in ay xamili karaan tirada qaxootiga ee xerada la geynayo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada