Madaxweyne Xasan “Waxaan ku baaqayaa in la dhowro xuquuqda Soomaaliya ee Madax banaanida ah”

Madaxweyne Xasan “Waxaan ku baaqayaa in la dhowro xuquuqda Soomaaliya ee Madax banaanida ah”

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga jawaabay baaqyadii walaaca ahaa ee ka soo baxay Beesha Caalamka ee ku aadanaa xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la xaq dhowro madax banaanida Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha oo afka English iyo Soomaaliga ku qornaa ayaa lagu sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay ay Soomaaliya ku tallaabsatay is bedel weyn.

“Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ‪Somalia‬, waxaan qirayaa dhammaan inta wakhti muhiim ah iyo hanti badan gelisay in ay Soomaaliya ku caawinto in ay gaarto guulaha muhiimka ah ee ku wajahan yoolka sare ee aan higsaneyno”ayuu yiri

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Labadii sano ee na dhaafay, iyada oo ay gacan ka geysteen dadweynaha Soomaaliyeed, Hey’adaha Federaalka, Baarlamaanka iyo beesha caalamku, Soomaaliya waxay ku tallaabsatay isbeddel weyn. Waxaan guul weyn ka gaarnay sii waditaanka isbeddelka annaga oo culeyska saarnay asaas-dhiga iyo u gogol xaaridda xasilinta dalka. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya AMISOM, wuxuu hoos keenay maamulka Dowladda 80% dhulkii Shabaab haysateen. 

Dowladda Federaalku waxay sameysay hannaan qaanuun, heykal dowladeed, unugtay nidaamka maamulka maaliyadda, xiriirka Soomaaliya ee beesha caalamka, xoojisay cilaaqaadka dalalka deriska ah, dib u habaynta hey’ado muhiim ah, hirgelinta Golayaal dib u heshiineed oo lagu wadahadlo, waddadana u xaartay isbeddel siyaasadeed waxayna diyaarisay Higsiga cusub ayada oo kaalmada caalamka lagu sidkay yoolkaeenna”

“Waxaa aad noogu weyn filashada in horumarka la joogteeyo. Sidoo kale, waxaa nagu weyn in Soomaaliya loo daayo in ay horseed ka noqoto isbeddelkeeda. Markii ay Soomaaliya aqbalaysay in ay qayb ka ahaato heshiiska Hindisaha cusub, waxaan ku aqbalnay in uu ku saleysan yahay mabaaddii’da Iskaashiga ee ku cad Hindisaha Soomaaliya, kaas oo ay markhaati ka ahaayeen ayna ansixiyeen ka qeyb galayaashii Soomaaliya iyo kuwii Caalamiga ahaa ee ka wada qeyb galay Shirkii Brussels ee September 2013. Mabaaddii’da iskaashigu waxay si cad u qeexayaan baahida iyo filashada in horumarku ahaado mid ay Soomaalidu hagayso, Soomaaliduna ay leedahay – ha ahaado mid siyaasadeed, horumarineed, dhaqaale iyo bulsho.

“Waxaan hadda ku baaqayaa in mabaaddii’daas la xaqdhowro. Waxaan ku baaqayaa in la dhowro Xuquuqda Soomaaliya ee madaxbannaanida isla markaana uu qeexayo Dasttuurka Federaalka ah ee ku meel gaarka ah, ee ku wajahan in ay mustaqbalkeeda iyadu go’aan ka gaarto, mustaqbal ay go’aaminayaan dadka Soomaaliyeed, Hey’adaha Federaalka iyo shuruucdeenna.

“Waxaan mar kale u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in Dowladda Federaalka ka go’an tahay Higsiga 2016, si loo xaqiijiyo in Dastuurka dib loo eego, la turxaan bixiyo, aftina lagu ansixiyo, in Federaalka la dhammaystiro iyo u diyaargarowga doorashada 2016 uu xowli ku socdo. Ma diidsanin in howl badan ay na sugeyaam, wakhtiga lagu fulin lahaana uu yar yahay. Si kasta oo xaaladdeennu u qallafsan tahay, wax qabasho la’aan, dhinaca ay doonto ha ahaatee, lama aqbali doono.

Aniga oo fahmaya walaaca Beesha Caalamka, haddana sida ugu habboon ee loo taageeri karo Hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Hey’adaheedu waa in la xaqdhowro, loona oggolaado in ay afkaartooda kala duwan ay ku xalliyaan si sharci ah ayada oo loo marayo hey’adaha jira oo iyagu hadda ah hey’ado soo bislaanaya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada