VIDEO:- Dowladda Talyaaniga oo Baabuurta Dab-demiska gudoonsiisay Maamulka Gobolka Banaadir .

VIDEO:- Dowladda Talyaaniga oo Baabuurta Dab-demiska gudoonsiisay Maamulka Gobolka Banaadir .

daajis.com:- Maamulka Gobolka Benaadir ayaa maanta saraakiil ka socotay dowladda Talyaaniga ka guddoomay agabyo loo adeegsado howlaha dab damiska ah.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Muqdisho ayaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka waxa ay saraakiil ka tirsan dowladda Talyaaniga ka guddoomeen agabyo loo adeegsado dhanka dab damiska, kuwaasi oo isugu jira matooro, qalab caafimaad iyo agabyo kale, iyadoo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, howlwadeenada Waaxda Dab damiska Gobolka Benaadir iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Midowga Yurub ee tababarada siiya ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed.


Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Benaadir ee dhanka maamulka iyo Maaliyadda mudane Ismaaciil Macalin Cabdi Guure oo ka hadlay munaasabadda ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dowladda Talyaaniga kaalmada ay soo gaarsiisay Maamulka Gobolka, kuwaasi oo lagu horumarinayo howlaha dab damiska.



Dr Faccani oo ka tirsan Waaxda Dab damiska ee dowladda hoose ee Talyaaniga ayaa sheegay in kaalmadaan ay ugu talagaleen in lagu horumarinayo howlaha dab damiska ee Muqdisho, waxaana uu xusay in shaqaalaha waaxdan ay Muqdisho wax badan ka qabteen gaar ahaan daminta xagga dab kacay.

Jeneral Massimo Mingiardi oo ah Madaxa tababarada Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa isna sheegay in tani ay xoojineyso xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, gaar ahaan tan dowladaha Hoose.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada