Maxaadaro kusaabsan Danbiyada Waawayn oo lagu qabtay Gaalkacyo.‏

Maxaadaro kusaabsan Danbiyada Waawayn oo lagu qabtay Gaalkacyo.‏

daajis.com:- Muxaadaradaani oo lagu qabtay Masjidka Ramadaaan ee Xaafada Garsoor  ayaa loo qabtay Bulshada qaybaheeeda kala duwan  waxaana ay Masaajidka kabilabatay Salaadii Makhrib kadib.

Muxaadarada ayaa waxaa soojeediyay shiikh cabdicaziiz axmad aadan (garwayne) wuxuuna aad ugu dheeraday shiikhu  kahadalka danbiyada waawayn sida shirkiga, beenta, ribada, dilka, dhaca, boobka iyo sinada.

Shiikh  cabdicaziiz wuxuu  sheegay    in danbiyada waawayn ay keenaan labo arimood oo ah in waajib laga tago ama macsi lakasbado , waxaana uu  intaas kudaray in danbiga wayn uu yahay wixii nacaladi kusoo aroorto  ama xad ka waajibo ama care alle iyo cadaab waajibiya.

Dhanka kale shiikh cabdicaziiz wuxuu  ku dheeraaday qaybaha kabaairta waxaana uu sheegay in kabaairtu ay uqaybsamaan labo qaybood oo kal ah  mida xaqu laah iyo xaqu aadami , waxaana uu intaas kudaray in loo qaybiyo afar qaybood oo waawayn oo kala ah :



1-Dunuubta Boqornimada sida: Cibaadada , Xukunka ,Khasbidda iyo wax walba oo Alle gaar la yahay.

2-Dunuubu Shaydaanimada Sida: Xad gudubka , islawaynida IWM.

3-Dunuubta Bahalnimada Sida: Dilka , Dhagarta IWM.

4-Dunuubta Xayawaanimada Sida: Dharjinta Caloosha iyo Farjiga.

Ugu danbayntii waxaa uu Shiikhu kusoo gaba gabeeyay Muxaadarada Sidii lagu Daaweyn lahaa ama looga bixi lahaa Danbiyada waaweyn waxaana uu sheegay in loo baahanyahay Tawbo Nasuuxa ah oo laga helay Shuruudeedii (Danbiga in laga boxo , Laga Shalaayo , in uu goosto in uusan dib danbe ugu noqon) , iyo in Alle loo noqdo , Qofku in uu Carabkiisa iyo Xubinkiisa taranka Ilaaliyo , iyo in loo istaago Wanaag faridda iyo Xumaan reebidda.

Sikastaba ha ahaatee Muxaadaradaani ayaa waxaa ay qayb ka tahay Muxaadarooyin Isbuucii mar la qabanayo looguna tala galay in lagu Cusboonaysiiyo Boorkana looga qaado Iimaanka Bulshada.

Cabdulaahi Sahal Maxamuud

Xafiiska Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada