Mooshinka ka dhanka RW Abdiweli oo Maanta horyaal Baarlamaanka

Mooshinka ka dhanka RW Abdiweli oo Maanta horyaal Baarlamaanka

daajis.com:- Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa ku wargeliyay Xildhibaanada in beri uu jiro shir muhiim ah isla markaana baarlamaanka uu horyaal mooshinkii ay Khamiistii soo gudbiyeen 14o Xildhibaan, kaasoo ah kalsooni kala noqoshada Xukuumadda R/wasaare Cabdiweli.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xildhibaanada beri loo qeybin doono nuqulada mooshinka, Shan cisho kadibna ay dood ka yeelan doonaan sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Sidoo kale muddo shan cisho kadib ayaa la aqrin doonaa magacyada Xildhibaanadii saxiixay mooshinka, inta ka horeysa waqtigaasna Baarlamaanka wax dood ah kama yeelanayo Mooshinka, iyadoo berri qodobo kale oo muhiim ah uu ka doodayo Baarlamaanka.

Waxaa muuqda in meesha ay ka baxday dadaaladii xooganaa ee beesha caalamka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ay ku doonayeen in si hoose loo xaliyo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, dadaaladaasi oo mira dhal noqon.

Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha Somalia ayaa ku adkeystay kuna wargeliyay beesha caalamka inaysan wada shaqeyn karin Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, marka uu meesha ka baxana uu si deg deg ah kusoo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare cusub oo soo dhiso xukuumad tayo leh.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada