Saacid “Soomaaliya Maanta uma baahna Khilaaf iyo dib-u-dhac horleh”

Saacid “Soomaaliya Maanta uma baahna Khilaaf iyo dib-u-dhac horleh”

daajis.com:- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ku sugan magaalada Dubai ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay qaar kamid ah Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibddiisa, ayaa ka hadlay waxqabadkii Xukuumaddii uu hoggaamiyay ee mudada halka sano ah dalka maamulaysay iyo sidoo kale khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee dalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Saacid ayaa ku dheeeraaday guulihii ay ka gaartay Xukuumaddii uu hoggaaminayay, wuxuuna sheegay in Xukuumadda uu majaraha u hayay ay gaartay mudadii halka sano iyo dhowrka bilood ahayd ee ay jirtay guulo la taaban karo, wuxuuna tilmaamay inay dowladdu horumar ka sameysay sida uu yiri dhinacyada arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo adeegga bulshada.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, wuxuuna ugu baaqay dhinacyadu in ay dhowraan dowladnimada curdanka ah iyo danta guud ee qaranka, iyadoo muhiimadda la siinayo howlaha adag ee dalka u yaala gaar ahaan hiigsiga 2016 iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.


“Waxaan leeyahay dhammaan dhinacyadu ha raadiyaan xal khilaafka lagu dhamayn karo, Soomaaliya maanta uma baahna dib-u-dhac iyo khilaafaad horey ayaan usoo aragnay meesha uu na dhigay khilaaf aan xal laga gaarayn. Waxaa muhiim ah in la Tixgeliyo danta guud ee Soomaaliya lana fiiriyo dhibaatada baahsan ee dalka ka jirta maanta, Dowladda waxaa looga fadhiyaa dalka in ay gaarsiiso doorashooyin xor ah 2016”.

Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid ayaa bishii December ee sanadkii hore ay kalsoonida kala laabteen Baarlamaanka, kadib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada