AL-SHABAAB oo soo saartay farriin ku saabsan xasuuqi ay ka geysatay Kenya

AL-SHABAAB oo soo saartay farriin ku saabsan xasuuqi ay ka geysatay Kenya

daajis.com:- Warsaxafadeed kasoo baxey ururka Al-shabaab ayaa lagu shegeey in ururkooda ka dambeeyey weerarkii lagu qaadey saaka aroortii dad Rayid ahaa oo saarnaa Bus mareyey meel ku dhow duleedka magaalada xadka ku taal ee Mandheera.

Qoraal lasoo dhigey barta Twiter-ka kaasoo uu ku sixiixnaa afhayeenka ururkaas Cali Maxamud Raage ayaa lagu sheegey in weerarkaan ay gaysteen kooxdaan islamarkana loogu aarayey muslimiinta magaalada Mombaza kuwaasoo dhowaan waxyeelo loo gaystey waa sida ay hadalka u dhigeen.

Weerarkaan loo gaystey Baskaan oo ku sii jeedey magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu diley 28 qof kuwaasoo u badnaa shaqaale dowladeed oo rabey iney qoysaskooda lasoo qaateen fasaxyada ciida Masiixiga ee bilaha November iyo December.

Afhayeen u hadley ururka Bisha Cas oo diidey magaciisa ayaa saxafada u sheegey in dadkaan markii la laynayey loo kala saarey muslim iyo Christian.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarro qaarkood khasaare badan dhaliyeen oo horay dalkaas uga dhacay waxaana kamid ahaa labadii weerar lagu qaaday Westgate Mall iyo deegaanka Mpeketoni.  Dad boqol kor u dhaafaya ayaa labadaas weerar ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaarey.

Hoos ka akhriso fariintaan oo ku qoran afka Ingriiska 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada