Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Xukuumada oo maanta Muqdisho ku kulmay (Sawirro)

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Xukuumada oo maanta Muqdisho ku kulmay (Sawirro)

daajis.com:-Xildhibaanada mooshinka ka keenay Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed oo maanta ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay kulanka berri loo balansan yahay ee Baarlamaanka uu ka yeelanayo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada.

Kulankan oo ahaa mid qado iyo is xog wareysi ayaa waxaa Xildhibaanada ka soo qeyb galay ay ka badnaayeen ilaa boqol, waxaana ay sheegeen in mowqifkooda uu hal yahay, isla markaana ay rajeynayaan in xal la gaari maalmaha soo socda.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo gaba gabadii ka hadlay kulanka qadada ayaa sheegay in kulankan ay isugu yimaadeen uu yahay mid labi ujeedo leh, ayna mida koowaad tahay inay wrabixino ku kala qaataan howlihii maalmahan socday ee ku saabsanaa mooshinkii kalsooni kala noqoshada Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali iyo sidii ay kulanka berri ugu balami lahaayeen.

“Kulankeena wuxuu marka hore ku saabsan yahay inaan warbixin kala qaadano iyo qodobka labaad oo ah mid anaga noo gaar ah oo ah sidii aan kulanka berri uga balami laheyn oo aan si gooni isugu arki laheyn, anaga waxaa nahay aqlabiyadii baarlamaanka, waxaa nahay xubno u taagan in sharciga lagu dhaqmo, in si degan oo dimoqraadiyad ah oo sharciga dalka loo maryo lagu dhameeyo wax kasta danta qaranka ku jirto oo toosin leh iyo sixid”ayuu yiri Xildhibaan Maareeye.

Xildhibaan Maareeye oo ka hadlayay khilaafka iyo heerarka uu soo maray ayuu meesha ka saaray in aanu khilaafka ka bilaaban wasiir wasiir lagu bedelay ee ay tahay arrimo badan oo soo taxnaa, taasna ay qasab noqotay in Xildhibaanadu iyagoo sharciga eegaya ay mooshin ka keenaan Xukuumada.

“Umada Soomaaliyeed waxaa rabnaa inaan ka jaahil bixino in Khilaafku aanu ka bilaaban wasiir wasiir lagu bedelay, taasi ma ahan mid run ah, khilaafka saddex weji ayuu soo maray, is qab qabsiga labada mas’uul waxay naga aheyd in marka hore ay iyagu xalistaan, wuu soo dhaafay wajigii labaad wxaa galay wasiirada, xildhibaanada iyo wakiilada beesha caalamka muddo ayuu soo socday markii taasi lagu guuldareystay, waxaa noo soo baxday hab saddexaad in la isticmaalo maadaama khilaafka iyo kala duwanaahshuhu caqabad ku noqday howlaha qaranka iyo hiigsiga 2016, inaan si dastuuri ah u galno, waxaa keenay mooshin”ayuu yiri Maareeye.

Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada mooshinka keenay inay si degan fikirkooda u soo bandhigaan, isla markaana ay diyaar u yihiin inay u caqli celiyaan Xildhibaanada kale ee ka soo horjeeda, si arrinta ugu dhamaato buuq la’aan, sharcigana lagu kala baxo

Xildhibaan Maareeye ayaa sheegay in kulanka berri uu yeelanayo baarlamaanka lagu qeybinayo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed, isagoo mar kale degenaan ugu baaqay Xildhibaanada kale ee ka soo horjeeda.

Sidoo kale Xildhibaan C/llaahi Shaacir ayaa sheegay inay rajeynayaan in iyadoo la eegayo masiirka dalka, in maalinta berri la kala bixi doono, waxaana uu si kaftana ah u yiri “Berri ciyaarta waxaa lagu kala baxayaa oo ay ku dhamaaneysaa 2-1″

Xildhibaanada kulanka ka qeyb galay waxaa ku jiray Wasiiro ka tirsan Xukuumada, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre iyo tiro Wasiir kuxigeeno iyo wasiiro dowlayaal, kuwaasoo horay ugu baaqay Ra’iisul wasaaraha inuu is casilo.

Kulamada iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee Xildhibaanada iska soo horjeeda ka wadaan magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeysanayay, iyadoo labada dhinac ay la kala safan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo khilaafkooda banaanka u soo baxay bishii hore ee October.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada