Sawirro:- G/banaadir oo ka shiray xasilinta amaanka caasimada

Sawirro:- G/banaadir oo ka shiray xasilinta amaanka caasimada

daajis.com:- Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Dawladda Hoose ee magaalada Muqdisho kulankii todobaadlaha ahaa ee Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Shirka oo looga hadlay adkeynta ammaanka caasimada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay dhamaan Gudoomiyayaasha degmooyinka iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka booliska gobolka Banaadir.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa warbixin laga dhagestay qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka, waxayna amaaneen wada shaqeynta kala dhaxeysa Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab oo wariyeyaasha la hadlay markii uu soo dhamaaday kulanka ayaa sheegay in looga hadlay arrimaha ammaanka caasimada, waxaana uu sheegay in Maamulada degmooyinka ay iskaashi buuxa la leeyihiin Hey’adaha ammaanka.

Mr Muungaab ayaa sheegay in Gudoomiyaha degmooyinka, Talisyada Booliska iyo Nabadsugida uu wada shaqeyn ka dhaxeeyo, isagoo tusaale u soo qaatay howl galkii ka dhacay degmada Dharkeenley oo uu qeyb ka ahaa Gudoomiyaha degmadaas.

Waxaa uu sheegay inay wax badan ka qaban doonaan xaaladaha ammaanka caasimada, isla markaana lana dar dar gelin doono howlaha sugida ammaanka.

Kulankan ayaa ku soo beegmayaa, iyadoo maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ku soo kordhayeen falal ammaanka lid ku ah, iyadoo siyaabo kala duwan loogu dilay maalin degmooyinka qaar saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada