VIDEO:- Shirkii baarlamaanka oo mar kale fowdo kusoo dhamaaday.

VIDEO:- Shirkii baarlamaanka oo mar kale fowdo kusoo dhamaaday.

daajis.com:- Kulankii baarlamaanka ee maanta xildhibaanada isugu yimaadeen ayaa mar kale furmi waayay, kaddib markii xildhibaano Afartameeyo gaaraya oo kasoo horjeeday mooshinka kalsooni kala noqoshada R/wasaaraha ay buuq iyo fowdo ka sameeyeen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo labadiisa kuxigeen ayaa si caro leh uga baxay hoolka shirka, kadib markii ay buuq iyo heesta astaanka qaranka ku qeyliyeen xili uu doonayay inuu furo shirka.

Heesaha ay xildhibaannadu qaadayeen ayaa waxaa ka mid ahayd heesta Soomaaliyeey toosa, iyagoo diiday inay fariistaan, markii guddoonku ay ka dalbadeen inay heesta joojiyaan.

Xildhibaanada fowdada sameeyay ayaa sidoo kale, xarunta lasoo galay boorar ay ku qornaayeen erayo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Qof ama Qaran, badbaadi, Soomaaliya waa dal xor ah iyo hal ku dhigyo ay ku qornaayeen erayo English ah.


Waa markii labaad ee xubnaha taageersan Ra’iisul Wasaaraha buuq ay sameeyaan u baaqdo kulanka baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa lagu wadaa inuu war kasoo saaro buuqa iyo dib u dhaca kulanka baarlamaanka, iyadoo aan la ogeyn tallaabada uu guddoonka baarlamaanka ka qaadanayo fowdadan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada