VIDEO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Marxalada Dalka iyo Hiigsiga 2016ka

VIDEO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Marxalada Dalka iyo Hiigsiga 2016ka

daajis.com:-Madaxweynha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu soo jeediyay uga hadlay arrimo dhowr ah gaar ahaan marxaladaha dalku ka soo gudbay xaalada hadda uu ku saganyahay iyo hiigsiga sanadka 2016.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn si koban u sharaxay guulaha la taabankaro ee la gaaray isagoo sheegay in ay ku guuleysteen arrimo badan oo qeyb ka ah xoojinta dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay muhiimada ugu jirta dalka iyo dadka hiigsiga 2016 oo uu sheegay in muhiim uu u yahay dalka islamarkaana u horseedayo horumaro kale duwan dhinac waliba leh.

Shacabka soomaliyeed ayuu madaxweynaha u ifiyay xaalada msutqabalka ee ay dowlada somaliya la dooneyso oo uu tilmaamay in dowlada ay wado qorshayaal lagu xoojinayo Dowladnimada oo ah mustaqbal soo bidhaamaya.



Madaxweynaha Soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamaud ayaa u sheegay dadka Soomaaliyeed inaanay niyad jebin hadii ay la kulmaan dhacdooyin mararka qaar dhaca.

Dhisida maamulada Koonfur Galbeed iyo gobolada dhexe ayuu madaxweynuhu so hadal qaaday qorshaha ay dowladu ka dmaacsanathay xiligan oo sheegay in ay doonayaan in dalka laga hirgaliyo Federaalka si cadaalad ah.

Ciidamada qalabka sida oo ah awooda dowlada ayuu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud sheegay in uu socdo tababaro lagu horumarinayo ciidamada ayna ku tilaabsanayaan horumaro kuwaa oo soo hooyay guula waaweyn oo la taaban karo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada