Video: Saxiixa heshiiska Itoobiya kula wareegtay ilaha dhaqaale S/land

Video: Saxiixa heshiiska Itoobiya kula wareegtay ilaha dhaqaale S/land

daajis.com:- Waxaa labadii maalmood ee laasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland wafdi heer wasiir oo ka socday Dowladda Itoobiya, kuwaasi oo u yimid saxiixa heshiis lagu sheegay kobcinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista dhaqaalaha iyo indha indheynta ay ku sameynayeen ilaha dhaqaale ee Somaliland sida dekadda Berbera, garoonka diyaaradaha Hargeysa, haamaha shidaalka berbera iyo goobo kale.

Saxiixa heshiiskaan ayaa ka dhacay Hargeysa, waxaana dhinaca Somaliland u saxiixay Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, halka Itoobiya uu u saxiixay Wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha Sufian Ahmed. heshiis-somaliland-itoobiya

Heshiiskaan ayaa Somaliland ay ku sheegtay kobcinta xiriirka labada dal iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa isticmaalka dekadda Berbera, hirgelinta koronto ka timaada Itoobiya iyo dhismaha mustaqbalka jid ballaaran oo tareenada.


Laakiin warar hoose iyo guux siyaasadeed ayaa socdaalkaan ka dhashay, iyadoo wararku sheegayaan in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo heshiis kula gashay Itoobiya in lagu wareejiyo maamulka ilaha dhaqaale ee Somaliland sida Garoonka diyaaraddaha Hargeysa, Berbera iyo Dekadda Berbera oo dhowr mashaariic ay ka fulin doonaan.


Shirkadda Ethiopian Airline ayaa noqon doonta midda maamuli doonta gegida diyaaradaha Hargeysa, sida uu heshiiskaani dhigaayo, waxaana booqashadan wafdigan qeyb ka ah fududeynta sida ugu dhaqsaha badan ee loo hirgelin doono heshiisyadan, ka hor inta aysan dhicin doorashada Somaliland.

Wafdiga ka socday Itoobiya oo dhowr wasiiro isugu jiray ayaa kormeero ku kala bixiyay ilaha dhaqaale ee Somaliland, sida dekadda Berbera, garoonka diyaaradaha Hargeysa iyo xarumo kale, waxayna saxiixa heshiiskaasi kadib dib ugu laabteen Addis Ababa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada