Sawirro: Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay RW oo ku shiray Muqdisho

Sawirro: Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay RW oo ku shiray Muqdisho

daajis.com:- Xildhibaanadii Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka gudbiyay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa maanta ku shiray magaalada Muqdisho, waxayna faah faahiyeen mooshinka ay ka geeyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo sida looga baahan yahay in uu isbadal dhaco.

Xildhibaanada kulanka ka hadlay oo la rumeysan yahay inay taageersan yihiin Madaxweynaha ayaa waxay sheegeen in haddii ay heshiin waayaan Madaxda Dowladda ay mooshinka la keenayo Baarlamaanka, si cod loo geliyo.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka mid ahaa mudanayaasha ka hadlay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in si bedel uu dhaco, isagoo ku tilmaamay Xukuumada inay ku fashilantay dhamaan waxyaabihii loo igmaday oo ay fulin weyday.

xildhibaano=mooshin-1Sidoo kale Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa beeniyay wararka sheegaya in mooshinka uu aqbali waayay Gudoonka, isagoo xusay in mooshinkooda uu yahay mid loo dhan yahay oo ay saxiixeen ilaa 140-mudane, isla markaana uu saxiixay Gudoomiye kuxigeenka koowaad.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in Xukuumada ay ku fashilantay waxyaabihii ay balan qaaday sida Federaalka, waxaana uu cadeeyay in muhiim ay tahay in mooshinka ay ka keeneen Xukuumada la horkeeno Baarlamaanka, si cod loogu qaado.

Kulankan qadada ay yeesheen Xildhibaanada ayaa intii uu socday waxay Xildhibaanada kaga munaaqashoonayeen qodobada ay ku soo eedeeyeen Xukuumada, iyadoo mid mid loo aqriyay qodobada.

Xildhibaanada waxay sheegeen inay kalsooni ku qabaan in codka kalsoonida kala laabtaan Xukuumada hadii mooshinka la horkeeno Baarlamaanka

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo Xildhibaano ah, sida Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada Burci Maxamed Xamza, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibada Mahad Maxamed Salaad oo labadooda ka mid aha wasiiradii isku shaandheynta saameysay, Wasiirka Kuxigeenka Warfaafinta C/llaahi Colaad Rooble, Wasiir kuxigeenka diinta iyo awqaafta Xildhibaan Yuusuf Xeyle iyo Mudanayaal kale.

Kullankan ay yeesheen xildhibaanada mooshinka ka keenay Xukuumadda RW Cabdiweli ayaa ku beegmay maalin kadib, markii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in mooshinkii laga keenay xukuumadda la hakiyay ilaa iyo inta ay soconayaan wada hadalada xalka loogu raadinayo khilaafka siyaaasadeed ee Madaxweynaha iyo RW.  






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada