Warbixin: Kulamadii Madaxda DF iyo beesha caalamka oo fashilmay

Warbixin: Kulamadii Madaxda DF iyo beesha caalamka oo fashilmay

daajis.com:- Warar horu dhac ah  ayaa sheegaya in kulamo gelinkii hore ee maanta ilaa gelin dambe Madaxda dowladda ay si kala gaar gaar ah ula qaateen Wakiilo ka socday Beesha Caalamka uu natiijo la’aan ku dhamaaday, iyadoo kulamadan ahaa kuwo xal loogu raadinayay kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Kulamadan oo ahaa kuwo taxane ah oo ka kala dhacay Madaxtooyada ilaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay si kala gaar gaar ula kulmeen Wafdi ka socday Mareykanka oo uu horkacayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya James P. McAnulty ayaa ahaa kuwo ay adkeyd in xogo laga helo, maadaama ay albaabada u xirnaayeen.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu u cadeeyay Saraakiisha Mareykanka in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha aanay wada shaqeyn karin, isla markaana kala aragti duwanaanshaha jira loo baahan yahay in loo daayo xalintooda hey’adaha dowladda, si ay go’aan uga gaaraan
madaxd
Wararka ayaa sheegaya in xubnihii uu hogaaminayay James P. McAnulty ay ku wargeliyeen Madaxweynaha inay sii wada shaqeeyaan isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, maadaama waqtiga la heysto ay yar tahay, isla markaana mudada ka hartay 2016 loo baahan yahay in howlaha dowladda u yaalo la dar dar geliyo si doorasho loo qabto, ayuu Madaxweynuhu ku jawaabay inay arrintaas dib u dhac u sii keeneyso hadii ay sii wada joogaan Ra’iisul Wasaaraha.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyay in Madaxweynuhu ku wargeliyay in hadii uu Ra’iisul Wasaaraha meesha ka baxo uu muddo kooban Ra’iisul wasaare iyo Xukuumad ku soo dhisi doono.

Madaxweynaha ayaa ka hor inta aanu la kulmin Safiirka Mareykanka ay si gaar gaar ah isu arkeen Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Amb. Niel Wigan, kuwaasoo uu u cadeeyay mowqifkiisa ah in aanay isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha wada shaqeyn karin.

Dhinaca kale Wafdiga Mareykanka ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo warbixin ka dhageystay, waxaana sidoo kale ay si kala gaar gaar ah u qaabileen Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Wakiilada Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna u cadeeyay xubnaha Mareykanka in isaga diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha, isla markaana tallaabooyinkii uu sameeyay ee isku shaandheynta ay ahaayeen kuwo uu xaq u lahaa oo awood u siinaya dastuurka.

Aqalada saddexda Mas’uul ugu sareysa ayaa shirar gaar gaar ah ka socda, iyadoo xildhibaanada iyo siyaasiyiintana ay ku qul qulayeen ilaa caawa fiidkii, si ay wax uga soo ogaadaan kulamadii maanta dhacay iyo halka xaal marayo, hase ahaatee kulamadii maanta ayaa ahaa kuwii ugu adkaa ee aan wax natiijo ah laga gaarin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in maalmaha soo socda ay Baarlamaanka u gudubto kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo loo arko in halka ugu dambeysa ee lagu kala bixi doono ay tahay, maadaama ay waxba ka soo naasa-cadaan waayeen dhamaan wada hadaladii socday.

Cadaadiska Beesha Caalamka ay ku saareyso madaxda dowladda inay sii wada shaqeeyaan ayaa wali u muuqda kuwa aan miro dhalin, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari uu udub dhexaad u yahay dadaalada socda, inkastoo isaga iyo Madaxweynaha ay arrinta Baydhabo isku fahmi la’yihiin.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa u arka shirka Baydhabo caqabad hareyn karta kursigiisa, hadii Shariif Xasan uu ku soo baxo Madaxweynaha Koofur Galbeed, halka Madaxweynahana uu doonayo in shirka Baydhabo sidiisa ahaado oo tan kaliya oo u muuqata ay tahay Ra’iisul Wasaaraha in aanu sii joogin ilaa shirka Copenhagen.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Jawaari doonayo in Madaxweynuhu ku taageero shirka Baydhabo la hakiyo, waxaase muuqata in Madaxweynuhu doonayo in Maamulka Koofur Galbeed la dhiso inta aan la aadin shirka Copenhagen.

Mr Jawaari ayaa marna u janjeera dhinaca Beesha Caalamka, marna labada mas’uul ee heysa oo aanu wali dhinac un raacin, marka la eego sida aragtidiisu tahay inay wax u noqdaan oo aan shirka maamul u sameynta Koofur galbeed uga soo bixin mudac isaga ku taagan.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalinta berri ka qeyb geli doona shir looga hadlayo xaalada dalka oo ay xubno ka socda Beesha Caalamka ka qeyb geli doonaan, waxaana shirkan uu horu dhac u yahay shirka Copenhagen, iyadoo lagu wado in Madaxda Maamul goboleedyada inay shirkan oo hal maalin ah berri ka soo qeyb galaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada