Fankii soomaalida Oo ha yaacdo noqday iyo Isku dhac Faneed oo socda

Fankii soomaalida Oo ha yaacdo noqday iyo Isku dhac Faneed oo socda

daajis.com:-  Is qabqabsi ka dhashay soo bixidii Abdi Good ee uu Fanka kusoo weeraray kii hore, kii dhexe iyo kii danbaba waxaa ka dhashay ama ay hooyo u noqotay in la iska weeraro meel kasta sida cir iyo dhul, Tv iyo Radiyo, Website iyo Social Media, Weeraradaas oo dhex maraya Abwaano, Fanaaniin iyo weliba ninka abuuray sheekadan ee Abdi Good.

Ma rabo inaan waqti badan ku dhumiyo arimaha Abdi Good iyo Ragga ay is diidan yihiin oo iska arkay biyaha hoostooda, laakiin waxaan rabaa inaan yara taabto arin ka murugo badan labadaas dhinac oo ah dhibaatada ay isku hayaan Fanaaniinta dhexdooda iyo weliba tan lagu hayo iyaga laftooda.

Waxaa maalmahan meelaha lagu arkayay Codad laga soo duubay ama laga soo xaday Fanaaniin nagu qaali ah oo weliba ah Hablo Soomaaliyeed oo mudan ixtiraam iyo karaamo ka duwan tan la siiyo ragga.

Hani Uk iyo Ikraan Caraale ayaa loo geystay ihaano iyo Aflagaado aan xad lahayn qofkii arka ama maqlana ku abuureysa argagax iyo qoomamo natiijada ka dhalan kartaa ay aad u xuntahay, Ileen dhaqankeenu ma ahayn in aan dumarkeena caayno ama dhaliilno xitaa hadii ay qaldan yihiin ama ay sameeyeen xumaan.

fanka Aaan ka gudbo taas oo waxa ay u gaar tahay dadkii sameeyay iyo hablaha laga dhigtay bartilmaameedka, waana hubaal iyagaana xalisan doona arimahooda dhinaca ay doonto ha noqotee, laakiin waxaa aniga la yaab igu noqotay in Labadaas Hablood ee Fanaaniinta ah laga dhigto Bartilmaameed waayo waxa ay la sheekeysanayeen ama ay Group ku wada jireen Fanaaniin badan oo kor u dhaafaya 50.

Waxa ii cuntami weysay sababta ay labadoodu u noqdeen bartilmaameed, halka aan waxba laga soo qaadin Intii kale ee la sheekeysaneysay iyo cida fulisay in codadka ay ku sheekeysanyeen fanaaniin iyo Abwaano u qeybisay Warbaahinta kadibna looga dhigay Ceeb iyo wax aan afkeygu soo qaban karin.


Baaritaan dheer kadib waxaa soo baxday inay fuliyeen ama fududeeyeen qaar kamid ah Fanaaniinta dhexdooda, mana garan karo sababta ku kaliftay in Fanaan walaal ah oo aaminay isla markaana sheekooyin iyo qaraaxo iyo qosol, is jaceyl faneed isku keentay iney u geystaan dibin daabyo iyo bah dil intaas la eg, iyagoo xitaa is qarinaya iskana dhigaya dad daacad ah.

Dhacdadan kuma ekaaneyso kaliya Ikraan Caraale iyo Hani UK oo waxaa igu maqaal ah in la haayo codad fara badan oo ah Fanaaniintii ku jirtay ama ku sheekeysan jiray Whatsup Group-ka oo loo qeybiyay Warbaahinada qaarkood, sidaana marba qof ama Fanaan seefta la saarayo, anagoo xitaa og in hadaladu ahaayeen fanaaniin sheekeysanaya oo iska qaraaxeysanaya sida ay dadka caadiga ahi sameeyaan oo kale.

Hadaba waxaan ka digeynaa in arintani aysan colaad ka dhex abuurin Fanka iyo Fanaaniinta dhexdooda, Abwaanada iyo cid kastaa oo gacan ka geysata Fanka.

Warbaahinteena sharafta leh waxaan ka codsaneynaa si xushmadi ku jirto iney arimahan xasaasiyadeeda leh qaboojiyaan anaga oo ogsoon in warbaahintu xor tahay hadana in aan laga tagin dhaqankeena Somaliga ah ee aadka u xurmeeya Haweenka.

Sidoo kale Waxaan ka raali gelineynaa Fanaaniinta ay dhibka kasoo gaartay hardanka Abwaanada iyo warbaahinta ee meel looga dhacay sharaftooda iyo karaamadooda, ogaada inaad tihiin Hablo iyo Fanaaniin Soomaaliyeed oo mar walba nagu qaali ah, wixii aad tihiin xumaan iyo wanaag cidna idin kama bedeli karto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada