Labo Haween ah oo si arxan daran loogu gowracay Jaziirada Kudhaa

Labo Haween ah oo si arxan daran loogu gowracay Jaziirada Kudhaa

daajis.com:- Maliishiyada Al-Shabaab, ayaa deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose, ku gowracay labo Haween ah, kadib markii ay shalay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.


Xoogaga Shabaab oo hawlgalo ka fuliyay deegaanka Kudhaa, ayaa dumarka ka soo dhex qabtay deegaankaasi, xilli ay si dhow ula xiriiriyeen in Ciidamada Maamulka Jubba ay wada shaqayn la lahaayeen.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Kudhaa, ayaa waxay xaqiijiyeen in Al-Shabaab ay dumarka ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen, isla-markaana ay gowraceen.

Tani waxay argagax gelisay bulshada ku dhaqan deegaanka Kudhaa, iyagoona walaac darani ka muujiyay haweenka sida arxandarada leh loogu gowracay deegaankaasi.

Shabaabka, ayaa looga bartay kolka ay deegaan dib ula wareegaan inay ku gowracaan dadka ku nool qaarkood, iyagoo markaasi la xiriirinaaya dhinacyada kale ee soo horjeedo.

Yuusuf Maxamed Xasan oo ka tirsan Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Jubba, ayaa sheegay in laba kun oo ka tirsan dagaal-yahanada Shabaabka ay Sabtidii soo weerareen deegaanka Kudhaa, ayna u suurta gashay inay la wareegaan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada