Hoggaamiyaha kooxda ISIS oo lagu dhaawacay duqeyn cirka ah

Hoggaamiyaha kooxda ISIS oo lagu dhaawacay duqeyn cirka ah

daajis.com:- Wasiirka difaaca dalka Ciraaq Khaalid al-Ubaydi ayaa shaaciyay in hogaamiyihii ururka Islamiga ah ISIS, Abu Bakar al-Baghdadi, in lagu dhaawacay duqeyn ciidamada cirka Mareykanka fuliyeen, inkastoo Pentigonka Mareykanka sheegin xaqiiqda warkaasi oo aysan heyn wax cadeyn ah.

Wasiirka Difaaca ee Ciraaq, Khalid al-Ubaydi ayaa fariin uu soo dhigay boggiisa ku xaqiijiyay in Al-Baqdadi uu ku dhaawacmay duqeyn ay Jimcihii ka fuliyeen Mareykanka magaalada Mosul ee waqooyiga Ciraaq.

abu-bakar-bagdadiWasiirka Arimaha Gudaha ee Ciraaq ayaa sidoo kale warkaasi u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Warar kale oo kala duwan oo duqeyntaasi ka soo baxaya ayaa sheeganaya in weerarkaasi lagu dilay mid ka mid ah kaaliyeyaasha Baghdadi oo ay aad isugu dhawaayeen.


Gelinkii hore ee Axaddii shalayna , sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Britain ayaa ka digay in xitaa hadii wararkaasi ay xaqiiq yihiin, in ISIS ay wax ka bedeleyso hogaankeeda.

Madaxa shaqaalaha gaashaandhigga ee Britain Nick Houghton ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay Telefishinka BBCda in xitaa hadii Baqdadi la dilo inaysan durbadiiba ka dhigneyn dib u dhac istraatiijiyadeed oo kooxda soo wajahday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada