Daawo Sawirada:- Madaxda DF & beesha caalamka oo ku shirsan Garoonka

Daawo Sawirada:- Madaxda DF & beesha caalamka oo ku shirsan Garoonka


daajis.com:- Waxaa saakay garoonka diyaaraddaha Muqdisho ka furmay shir looga hadlayo arrimaha New Deal, kaasoo gogol xaar u ah shirka ka dhici doona dhowaan magaalada Copenhagen ee dalka denmark.

Shirkan oo hadda socda ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Mas’uuliyiin ka socota Maamul goboleedyada oo si wada jir ah uga qeyb galaya.

Shirkan oo saddexdii bil mar la qabto ayaa looga hadlayaa waxyaabihii u qabsoomay dowladda iyo arrimaha Hiigsiga cusub (New Deal), waxaana la filayaa in madaxda dowladda ay khudbado ka jeediyaan.

Qabsoomida shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo saameeyay dhamaan hey’adaha dowladda.

Waxaa la filayaa in shirka looga hadlo arrimaha kala aragti duwanaanshaha Madaxda dowladda iyo in laga yaabo in saameyn ku yeesho arrimaha hiigsiga cusub.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada