Video:- Dowladda Finland oo dadaal ugu jirta bad-baadinta nin haysta dhalashadeeda oo dowladda Soomaaliya dil ku xukuntay

Video:- Dowladda Finland oo dadaal ugu jirta bad-baadinta nin haysta dhalashadeeda oo dowladda Soomaaliya dil ku xukuntay

daajis.com:- Nin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Finland islamarkaana lagu magacaabo Siciid Xaaji Xuseen oo ay dowladda Soomaaliya ku xukuntay dil toogasho ah ayaa waxaa ay dowladda Finland dadaal ugu jirtaa sidii ay uga bad-baadin laheyd xukunka dilka islamarkaana dalkeeda dib ugu celin laheyd.


Ninkan qurbajoogta ahaa ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku gowracay nin dhalinyaro ah xilli uu ku jiray masjid islamarkaana uu ku dukanayay.

Masuul u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Finland oo lagu magacaabo Teemu Turunen, ayaa sheegay in arrintan ay maqleen jimcihii islamarkaana ay la xiriireen dowladda Soomaaliya si dib loogu eego xukunkaasi.

Waxa uu sheegay masuulkan in dowladda Finland ay u doodeyso dhamaan muwaadiniinteeda haysta dhalashada ee dhibaatooyinka ku qabsada dibadda,

"Dowadda Finland waxa ay qaadeysaa tallabo kasta oo ay kaga hortageyso xukunka dilka, marnaba ma aqbaleyno xukun dil ah faldambiyeed kasta oo uu muwaadikeeda ku koco", ayuu yiri Mr. Turunen.

HALKAAN KA DAAWO XUKUNKA NINKA:


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada